Xukumada Kheyre Oo markale faragalin ku wajahaysa Doorashada Galmudug -Xog cusub

0
35

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay la kulmi doonaan hoggaanka ugu sareeya ee Ahlusuna waljamaaca, iyaga oo kala hadli doona sidii loo fulin lahaa balanta dowladda looguna qori lahaa Ahlusunna Xubnaha loogu darayo Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in markii ay wada-hadallada isku afgartaan wasiirka Arrimaha Gudaha iyo hoggaanka ahlusunna uu wasiirka dib ugu soo laaban doono Muqdisho kuna dhawaaqi doono xubnaha Ahlusunna loogu daray guddiga.

Hoggaanka Ahlusunna ayaa dhawaan kasoo horjeestay Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya,iyaga oo sheegay in Xubnahaa Guddiga ay kamid yihiin Shaqaalaha dowladda.

Hayeesshee Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaawday dadaalo lagu xalinayo tabashada Ahlusunna,isla markaana 4 ilaa 5 xubnood oo ka socda Ahlusunna Guddiga lagu kordhinayo.

Warkadalka.com
Info@Warkadalka.com

LEAVE A REPLY