Xasan Sheekh Oo Rajo galiyay Soomaalida ka walwalsan Maxkamada Badda soomaaliya

0
103

Xili Maxkamadda Cadaalada Aduunka ICJ ay dib u dhigtay dhageysiga kiiska muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa arintaas ka hadlay mid kamid ah aqoonyadda Soomaaliyeed.

Pro Xasan Shiikh oo kamid ah aqoonyahanadda Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Go’aanka Maxkamadda kasoo baxay uu yahay mid cadaadiska kusii kordhinaya Dowladda Kenya.

Waxa uu sheegay in Dowldaha Shisheeye ay Keynya ku cadaadinayaan in aysan ka tanaasulin mawqifkeeda ku adaan kiiska badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Maxkamadda Cadaaladda Caalamka (ICJ) ayaa waxay go’aan rasmi ah ka soo saartay waqtiga la dhageysanayo dacwadda murunka la xiriira Badda Somaliya.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda la sii amba qaado 8-da illaa 12-ka bisha June ee sanadka soo socda.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayso go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ).

Warkadalka.com

LEAVE A REPLY