WAR Weji cusub leh Oo laga soo sheegayo Baarlamanka

0
64

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa weriyaasha ka socda warbaahinta madaxbanaan ee dalka u sheegay in aan looga baahneen tabinta fadhiyada Golaha Shacabka ee BFS.

Kulan goordhow usoo dhamaaday Guddoomiye Muudeey iyo weriyaasha ku qoran soo tabinta wararka Golaha Shacabka ayaa loogu sheegay in aysan tabin karin fadhiyada Golaha islamarkaana ay fasax yihiin.

Warkan oo horay u soo baxay ayaa lagu sheegay iney gadaal ka riixeyso madaxtooyada Soomaaliya,waxaana kaliya loo ogol yahay sida warar ay sheegayaan tebinta wararka golaha Shacabka warbaahinta Dowladda oo isugu jira Raadiyaha,Tv-ga iyo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Qaar ka mid ah Wariyeyaasha magaalada Muqdisho oo dhowaan shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney caburin kala kulmayaan Dowladda Federaalka,islamarkaana loo diiday illihii ay xogta wararka ka heli jireen.

WARKADALKA.COM

LEAVE A REPLY