Puntland iyo Wasiir Goodax Oo markale ay ka tafatay

0
111

Wasaaradda waxbarashada Maamulka Puntland ayaa shaacisay in ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya heshiis rasmiya kala gaartay habka bixinta shahaadooyinka ardayda reer Puntland ee sannadkan dhammaysay dugsiyada sare.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee maamul goboleedka Puntland Prof. Cabdullaahi Maxamed Xassan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in maamulka Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku heshiiyeen in shahaadooyinka ardayda Puntland lagu soo sameeyo magaalada Muqdisho, kadibna si toos ah looga bixiyo xarunta wasaaradda Waxbarashada Puntland ee magaalada Garowe.

Dhinaca kale wasiirka ayaa gebi ahaanba beeniyay warar la isla dhex marayay baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegay in arday ka baxday deegaanada Puntland oo deeq waxbarasho heshay dalka Itoobiya lagu xannibay garoonka magaalada Adis Ababa, kadib markii loo diiday Vissaha dal ku galka waddankaas.

Cabdullaahi Maxamed Xassan wasiirka waxbarashada Puntland ayaa sheegay in sida ay xaqiiqadu tahay ardaydii reer Puntland ee deeqda waxbarasho ka helay dalka Itoobiya aysan weli ka bixin deegaanada Puntland, isla markaana ay hadda wasaaradiisu diyaarinayso  hanaanki ay ku bixi lahaayeen dhowaana ay tagi doonaan, sida uu sheegay.

Warkadalka.com

Info@Warkadalka.com

LEAVE A REPLY