Maxaa sabab u ah Barakaca ka socda Hiiraan

0
68

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle Cali Muxumed Caraalle, iyo qaar ka mid ah ku xigeenadiisa ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Xaafadaha Magaalada oo saameyn culus ay ku yeesheen Fatahaada Wabiga, iyagoo u kuur galaya xaaladda iyo saameynta biyaha, iyada oo ay socdaan dadaalo dadkaasi lagu samatabixinayo.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in tiro ka Badan 55 Kun oo qof ay ka Barakaceen Fatahaada Wabiga Xaafadaha Howlwadag, Xaawo Taako iyo Kooshin dadkaasi oo u barakacay Degaanka Ceeljaalle Ee Duleedka Beledweyne.

Gudomiyaha ayaa sheegay in hadii aan wax jawaab ah laga bixin ay Suurta gal tahey in ay barakacaan boqolaal kale oo qoys ku waas oo ka baxsanaya Fatahaada Wabiga Shabeelle oo haatan Fatahaadiisa laga dareemay qaybo badan ka tirsan deegaanada Maamulka Hirshabeelle.

Dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka ayuu ka codsaday in ay dadka reer Baladweyne ka Gacan siiyaan Fatahaada Wabiga Shabeelle, waxa uu sheegay in loobaahanyahay Kaalmo bini aadamo inla soo gaaro dadka barakacay.

Dhanka kale Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in Hay’adaha samafalka looga baaha yahay inay si deg deg ah gurmad u gaarsiiyaan dadka ka barakacay fatahaadaha ee ku sugan duleedka Magaalada Baladweyne gaar ahaan deegaanka Ceel-jaale.

Waxaa uu sheegay in dadka ku sugan deegaanka Ceel-jaale ee ah barakacayaasha aysan heysan waxyaabihii muhiimka u ahaa nolosha,waxaana Hay’adaha samaflka uu ku amray inay si deg deg ah halkaasi ku tagaan Hay’addii aan fulin amarka Maamulka ay la xisaabtami doonaan.

Deegaanka Ceeljaale oo ku yaalla duleedka Koonfureed ee Magaalada Baladweynee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa xilligaan ku sugan Boqolaal ruux oo ka barakacay fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle,kuwaas oo ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.

Wabiga Shabeelle ayaa sidaan oo kale marka lagaaro Xili roobaadka waxa fatahaad ka sameeyaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, taas oo ay ka dhashaan khasaaro iskugu jira Dhimasho,Dhaawac,Burbur hantiyadeed  iyo Barakac dadweyne.

 

Warkadalka.com

LEAVE A REPLY