Baqdin dagaal Oo saaka laga soo sheegayo Dhuusamareeb

0
87

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhaq dhaqaaq ciidan iyo xiisad dagaal oo maanta laga dareemayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Ciidamo ka amar qaata Ahlu suna Waljameeca ayaa lagu soo waramayaa iney la wareegeen gacan ku heynta xarumo muhiim ah gaar ahaan xarunta degmada Dhuusamareeb ee gobolkaasi.

Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Ciidanka Ahlusunna ay gebi ahaan la wareegeen gacan ku heynta Degmada, isla markaana haatan ay ku sugan yihiin

Sidoo kale Xarunta lala wareegay ayaa waxaa la qorsheynayay inay la wareegaan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee halkaas ku sugan.

Tallabadaan ay qaadeen Ciidanka Ahlusunna ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Caawa Ciidamo ka tirsan ay rasaas ku fureen Xarunta Inji oo ay degan yihiin Madaxda Sare ee Ahlusunna Waljameeca, isla markaana uu ku sugnaa xiligaas Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka eek u sugan Dhuusamareeb  oo ay uga hadlayaan Ciidankii la wareegay Xarunta degmadaas.

 

Warkadalka.com

LEAVE A REPLY