Axmed Madoobe Oo indhaha ka xertay Siyaasiyiin Xildoon ah Oo Kismaayo soo gaaray

0
39

Kadib Shaacintii Maanta Kuxigeenada Axmed Madoobe oo booskii ay joogeen mar kale lagu celiyey waxa la sugayo keliya waa in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada Cusub.

Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Islaam Madoobe ayaa la sheegay in uu hadda wado wadatashiyadii ugu dambeeyey,iyadoo Siyaasiyiin dhowr ah ay xil raadin utegeen Kismaayo.

Waxgarad iyo siyaasiyiin ka yimid Deegaanada Ogaadeeniya,Qaar ka yimid Qurbaha ayaana Magaalada kusugan oo intuba Arimaha Wasiirada Cusub inay saameyn ku yeeshaan raba.

Inta badan Wasiiradii hore ayaa soo laaban doona marka laga reebo Xubno cusub oo ballan qaad ka heystay Axmed Islaam iyaguna la sheegay in ay Xil Wasiir heli doonaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Siyaasiyiinta qaar ay ku hungoobeen Xil ay ka doonayeen Axmed Madoobe,kadib markii ay waayeen.

 

Warkadalka.com

LEAVE A REPLY