Ahlu Sunnah Oo Dharbaaxo siyaasadeed la dhacday Qorshaha N&N Ee Doorashada Galmudug

0
93

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay iney ku fashilinta daadejinta dhismaha maamulka Galmudug iyo waliba hannaanka dib u heshiisiinta Beelaha deegaanada gobolkaasi.

Qaar ka mid ah Waxgaradka Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku fashilintay dhismaha maamulka Galmudug,islamarkaana si siman aysan dooneyn iney wax ugu qeybiso Beelaha la doonayo iney maamul wada dhistaan.

Sidoo kale, Waxgaradka ayaa sheegay in wax natiijo ah laga gaarin shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud,waxayna tilmaameen in shirkaasi uu noqday hal bacaad lagu lisay.

Beelaha qaar ee Galmudug ayaa sheegay inuu jiro sadbursi iyo waliba in Dowladda Federaalka iska indho tireyso xaqiiqda rasmiga ee meesha ka jirta.

Dhanka kalena wuxuu khilaaf ka taagan guddiga farsamada dhismaha maamulka Galmudug,kaasi oo dhawaan Dowladda Federaalka ay magacowday,waxaana si cad uga soo horjeesatay maamulka Ahlu suna.

Warkadalka.com
Info@Warkadalka.com

LEAVE A REPLY