Login

Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.

Maxaaka jira in Xarakatul shabaabul Mujaahidiin ay diyaarinayaan Ciidamo farabadan oo ay Bisha Ramadaanka doonayaan in ay ku soo afjaraan dagaalada Muqdishu.

(02-08-2009)Waxaa siweyn isu soo taraya warar sheegaya in xarakatul Shabaabul Mujahidiin ay diyaarinayaan Ciidamo lixaadleh oo ay u diyaarinayaan in ay xiliga bisha Barakeysan ee Ramadaan ay ku doonayaan in ay ku soo afjaraan dagaalada ka socda qeybokamid ah magaalada muqdishu weliba sida la sheegay qeybaha ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.

Wararka laga helayo Gobolada baay iyo Bakool ayaa sheegaya in saraakiil sarsare oo uu kamid yahay Sheikh Muqtaar Roobow iyo Sheikh Abuu Ayman ay deganadaasi ku diyaarinayaan Ciidamo loogu talo galay in ay bisha barakeysan ee Ramadaanka ayka howlgalaan magaalada muqdishu kuwaasi oo loogu talo galay in ay soo gebegabeeyaan dagaalada welika sii socda qeybokamid ah magaalada muqdishu.

Sida uu shabakada warkadalka.com u xaqiijiyey Sheikh Adamow oo kamid ah macalimiinta Dugsiyada Quraanka ee Magaalada Baydhabo waxaa deganadaasi ka socda Diayaar garow aad loo habeeyey oo loogu talo galay in Bisha Barakeysan ee Ramadaanka wax weyn looga bedelo xaalada magaalada muqdishu iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan halkaasi.

Calinka ayaa sheegay in ilaa bishii la soo dhaafay ay deganadaasi ku sugnaayeen Saraakiil sarsare oo kamid ah xoogaga xarakatul Shabaabul Mujahidiin oo ay ugu waaweyn yihiin Sheikh Abuu Ayman iyo MUqtaar robow oo iyagu halkaasi ka wada diyaarin ciidamadaasi la doonayo in lahowl geliyo bisha Ramadaan kuwaasi oo sida la sheegay loogu magac daray Jeyska Ramadanka.

Sheikh Muqtaar Rowbow iyo Sheikh Abuu Ayman oo labaduba ka mid ah saraakiisha sarsare ee dhinaca ciidamada xarakatul Shabaabul Mujahidiin ayaa lasheegay in ay ku howlan yihiin tababarka iyo Howlgelinta Ciidamadaasi iyadoo la sheegay in loo diyaarinaayo sidii ay Cagta umaran lahaayeen Ciidamada AMISOM una soo afjari lahaayeen inta dhiman ee maleyshiyaadka Dowladda KMG.

Sheikh Abuu Ayman ayaa la sheegay in uu ku goodiyey in Ciidamadani Bisha Barakeysan ee Ramadaanka ay shaqadoodu noqondoonto in ay soo Afjaraan Haraaga waxa uu ugu yeeray maleyshiyaadaka Dowladdda Ridada iyo Ciidamada AMISOM.

Dhinaca kale waxaa soobaxaya warar sheegaya in dhinaca maamulka Kismaanyo ay soo gudbiyeen Ciidamo gaaraya Ilaa 250 kamid ah ciidamo dhowaan tababar ugu soo dhamaaday xero ku taala Duleedaka magaalada Kismaayo sida ay sheegayaan warar xog oyaal ahi.

Isku soo wada duuboo arinkaan ayaa ah mid ay doonayaan xoogaga xarakatul Shabaabul Mujahidiin in ay ku soo afjaraan dagaalada Magaalada Muqdishu sida ay sheegen saraakiisha ku howlan diyaarinta Ciidamadaasi.

Xafiiska warqabadka warkadalka.com, Muqdishu

Comments

#1 | SANKA XAAJI on August 02 2009 01:22:26
WARKADALKA WAA MAHADSAN TIHIIN FADLAN WARARKA SITOOS AH NOOGU WADA WAAYO AYAANTAAN SIDII HORE MATIHIDIN OO WARKIINU UP DATE MAAHAN MARKA FADLAN SIDII HORE HOWSHA U WADA MASE WAXAAD SOO KICINEYSIIN WEBKIINA KALE EE HILLAAC.NET FADLAN WARKA SIDII HORE UWADA OO LABADA DHINACBA KA WADA MAHADSANIDIIN KARBAASHA OO HAKA CAAJISININA.
#2 | xaajiga on August 02 2009 01:24:35
warqoladaan ayaantaan waalaga reystay inkastoo ay beentii uweeciyeen dhinaca Hillaac.net laakiin waalaga nastay ayaantaan been doodii inkastoo ayhada dhinaca Hillaac.net u weeciyeen beentii ay wedi jireen
#3 | Muuse Cadde on August 02 2009 01:27:00
Warlabadan webside waa kuwa runta ugu dhow oo xaqudirirka ah maad waxka sheegtaan kuwa ku caanbaxay beenta markaad xaqu dirirka waxka sheegeysaan runtii subaxkasta iyagaan ka bilaabaa markaan iyaga arakona meelkale maba fiiriyo ayagaa igu filan howlsha halkaas ka wada GUULEYSTA
#4 | .............. on August 02 2009 02:37:47
nimanka mujahiidin sheektey oo alshabab la baxey iyo xulafaduuda kalay waxa ka codsanlahey inteyna risaas gamin in ayaga dhaxduuda is mideyaan,
ey iska dhax bixiyaan nimanka qawaarigka iyo takfiir
eyna ku dag dagin dagaalka ey nabada qaataan
hadi ey sidaas sameynin waxey nuqanaayan firqa yar
oo marna dhaxduudais dagaala marna dadka dhiba
#5 | Soomaali islaam on August 02 2009 04:07:54
Walaal, aad iyo aad baad u mahadsantihiin, walaalayaal warbixintaan aad soo qorteen waa sir ciidan looma baahna in aad u digtaan cadawga Alle.
waxaan idiinka codsanayaa in aad joojisaan gudbinta wararka ku saleesan hawlaha ciidamada Alle iyo u digidda caawga Alle.

WABILAAHI TOWFIIQ
#6 | bashiir cabdikariim warsame on August 02 2009 06:02:48
asc waad mahadsantihiin walaalaha xogta fiican noosoo gudbiya sida aad warkaan noogu soo deeyseen wabilaahi towfiiq.
#7 | Daalib on August 02 2009 06:19:25
W/c ikhwaani fil islaam, Somliislaam waan kugu raacsanahay arrinta ah in siraha muletri aan lasoo gelin webabka, bal xitaa aan telefoon looga wada hadlin waayo cadowga bey xog u tahay oo wey dhegeysan karaan waana qaladaadkii ey mujaahidiintu ku jabeen hadda ka hor. Marka qolada maamusha webkan waa iney arrimahaas o kale kana firsadaan waxay soo qorayaan. Hadda ka hor baa nin dhahay somalidu in jawaasiis loo dirsado looma baana waayo webabkooda laga helaa wixii sir ah oo dhexdooda ah. Marka walaalayaal aan taa ku baraarugno.

Kuwa Mujaahidinta takfiir iyo khawaarij ku sheegaya waxan leeyahay ilaahay xaqqa ha idin tuso, waxa idinku fushey probogandadi ama dagaalkii dicaayada ee gaalada ama gaalo raacyada si ayadan mujaahidinta taageero u helin, lakin mujaahidiintu waxa insha Allaah nasri iyo gargaar siinaya Allaah, malaa'iigtiisa iyo Mu'miniinta aan marna wadanka ka bixin ee soo arkey cadaalad darrada ey dimoqraadiayada yuhudu iyo sahaayinadu ku hayeen shacbigaa soomaaliyeed. Dadkii biyaha webiga laga gadi jirey, naagahoodana lagu horkubsan jirey wey baraarugeen waana mujaahidiin maanta kumandoosa oo hubkii ugu casrisaana ku hubeysan; waa dadkii looma ooyaanka loobixiyey! sida dhilllada iyo khamriga ey u jecelyihiin gaalada iyo Murtadiintu bey u jecelyihiin iney nagtooda janno ku gataan. marka kuwa Daaraha Gaalada ku jirow ama lacagta xaaraanta laga kasbo cunow indhaha kor u qaada oo iimaankiina hasiisanina aduunyo yar. Nuurki islaamku soomaaliyuu kasoo daahirey khaasatan koonfur waxayna kusocotaa nidaamki Iimaam Axmed Gurey Ilaahay ha ka raalli noqdee.

Arrintu Maanta waxay taagantey in Qofwalba mabda'a uu aaminsanyey u huro Maal iyo Naf ee qofkii safka dagaalka saliibka safkooda kasoo jeesanayow ikhtiyaarka, Qofkii safka muslimiinta kasoo jeesanayow Aduunkana Cizi aakhirona Janno iyo in aad ka mid noqoto dadka ey malaa'igti salaan sharafta siiso. Allow Dariiqa toosan na mari naguna sug, Aamin.
#8 | deeqo on August 02 2009 07:19:10
as wr wbr yaa ikhwaanii waxaa iga talo ah mujaahidiinta hadey rabaan iney jihaaadaan bisha barakeysan ee ramadaan marka hore iney niyad xoolo magac maamul iyo ciidanba ay midoobaan yaa ikhwaanii markii laba maamul iyo ciidan lakala lee yahay saacad walbana lakala boodi karo wey adagtahay in gargaarka alle soo dag dago waxaana tusaale ugu filan soomaalida mujaahidiinta ah walaalhood falastiin in aan kala qubqubnaan guulna lagu gaarin gargaar allena uusan kusoo dagin alle (swt) ayaa balan qaadey inuu ugar gaaro mu,miniintiisa,mu,miniinta loo gargaarayo waa kuwama waa kuwa sida uu rasuulka yiri (scw) mu,miniintu waa hal jir oo kale,marka ikhwaanii intaad laba magac iyo laba maamul leedihiin oo maalin jimca aheyd uu yiri sheekh aweys waan midoobeynaa maalintii isniinta aheydna ay xizbul islaam sameysteen maamulka gobalka banaadir oo iyga hoos yimaada iyagoo waliba og iney xarakatul shabaab leedahay igana maamul ay hore u sameysteen taasi maaha jasadkii waaxid ak ahaa ee alle gargaarkiisa iyo jundigiisaba uu usoo dadajin lahaaaa...
#9 | curdan on August 02 2009 08:31:35
asc walaalayaal muslimiinta oo dhan waxay doonayaan midowga mujaahidiinta walaalayaal kashaqeeya farqiga idiin dhaxeeya oo ku midooba kalimada allaah ina dagaalama kalimada allaah kana rajeeya nasriga allaah wabilaahi towfiiq
#10 | maxamed on August 02 2009 08:53:05
asww

bacda slaan waxaaan racsanahay fikirka deeqa iyo curdun .............. taas walaalha mujahidiinta oo ah xisabul islam iyo al shabaab mujaahidiin walaalyow midoooba hal magac hal maamul hal hogaamiya sameesta runtii waaxaa laga yabaa inoo so dagdago nasriga alaah .............


tusaaali : ayaad quraan ka mid ah ayuu alaah subaxanal watala ku leeyahay ............. ladagaalama gaalada u fiirso ayada yeesan kaa hoos bixin la dagaalama gaaalada kamaa yu qaatiluunakum kaafah sidee dhaamaantood idin la dagaalamayaaan ..... marka alaah ma dhihin la dagalamada galada kooxo kooxo kula dagaalama lakiiiiiiiiiiiiiiiin wxuu yiri alaha weeyne jala wacalaa la dagaalama dhaantiin sidee ayaga dhaaadtood idinla dagaalamayaan ................
maxaa ka faaidanay hal kaaas .........
waxaan ka faaiadanay idiin midnimada muhim tahay ..........


tusaalla kale casrigaan ah

ithopia joogtay mujhiidiinta wa la daglameen wxaa lagu daraya amison .. mareekan ka oo ka cawaina xaga saadka marka bal fiirso sidee isugu mideesanyihiin inee muslimiinta gumaadan

why aan anaga sidaas u yeeli la anahay cadowgeena aan u midoobi la anahay oo hdgana ka wadatunee markaaas alaah na fahansiiyo

aloww mujahiidnta u gargaar alow mideey kalimadoodaa alow ikhlaaas ka dhig jihaadood oo ka dhiga kuwa kor yeela kalmadadada insha alaah

asww ......... wixii aan saxay alaah xagiisa ka ahaatay wixii an khalday aniga iyo nafteeda iyo sheydaan ayeey ka ahaadeen...............

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.


Render time: 0.04 seconds
277,471 unique visits