Maxaaka jira in Xarakatul shabaabul Mujaahidiin ay diyaarinayaan Ciidamo farabadan oo ay Bisha Ramadaanka doonayaan in ay ku soo afjaraan dagaalada Muqdishu.
Posted by admin on August 02 2009 00:49:56

(02-08-2009)Waxaa siweyn isu soo taraya warar sheegaya in xarakatul Shabaabul Mujahidiin ay diyaarinayaan Ciidamo lixaadleh oo ay u diyaarinayaan in ay xiliga bisha Barakeysan ee Ramadaan ay ku doonayaan in ay ku soo afjaraan dagaalada ka socda qeybokamid ah magaalada muqdishu weliba sida la sheegay qeybaha ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.
Extended News
(02-08-2009)Waxaa siweyn isu soo taraya warar sheegaya in xarakatul Shabaabul Mujahidiin ay diyaarinayaan Ciidamo lixaadleh oo ay u diyaarinayaan in ay xiliga bisha Barakeysan ee Ramadaan ay ku doonayaan in ay ku soo afjaraan dagaalada ka socda qeybokamid ah magaalada muqdishu weliba sida la sheegay qeybaha ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.

Wararka laga helayo Gobolada baay iyo Bakool ayaa sheegaya in saraakiil sarsare oo uu kamid yahay Sheikh Muqtaar Roobow iyo Sheikh Abuu Ayman ay deganadaasi ku diyaarinayaan Ciidamo loogu talo galay in ay bisha barakeysan ee Ramadaanka ayka howlgalaan magaalada muqdishu kuwaasi oo loogu talo galay in ay soo gebegabeeyaan dagaalada welika sii socda qeybokamid ah magaalada muqdishu.
Sida uu shabakada warkadalka.com u xaqiijiyey Sheikh Adamow oo kamid ah macalimiinta Dugsiyada Quraanka ee Magaalada Baydhabo waxaa deganadaasi ka socda Diayaar garow aad loo habeeyey oo loogu talo galay in Bisha Barakeysan ee Ramadaanka wax weyn looga bedelo xaalada magaalada muqdishu iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan halkaasi.
Calinka ayaa sheegay in ilaa bishii la soo dhaafay ay deganadaasi ku sugnaayeen Saraakiil sarsare oo kamid ah xoogaga xarakatul Shabaabul Mujahidiin oo ay ugu waaweyn yihiin Sheikh Abuu Ayman iyo MUqtaar robow oo iyagu halkaasi ka wada diyaarin ciidamadaasi la doonayo in lahowl geliyo bisha Ramadaan kuwaasi oo sida la sheegay loogu magac daray Jeyska Ramadanka.
Sheikh Muqtaar Rowbow iyo Sheikh Abuu Ayman oo labaduba ka mid ah saraakiisha sarsare ee dhinaca ciidamada xarakatul Shabaabul Mujahidiin ayaa lasheegay in ay ku howlan yihiin tababarka iyo Howlgelinta Ciidamadaasi iyadoo la sheegay in loo diyaarinaayo sidii ay Cagta umaran lahaayeen Ciidamada AMISOM una soo afjari lahaayeen inta dhiman ee maleyshiyaadka Dowladda KMG.
Sheikh Abuu Ayman ayaa la sheegay in uu ku goodiyey in Ciidamadani Bisha Barakeysan ee Ramadaanka ay shaqadoodu noqondoonto in ay soo Afjaraan Haraaga waxa uu ugu yeeray maleyshiyaadaka Dowladdda Ridada iyo Ciidamada AMISOM.
Dhinaca kale waxaa soobaxaya warar sheegaya in dhinaca maamulka Kismaanyo ay soo gudbiyeen Ciidamo gaaraya Ilaa 250 kamid ah ciidamo dhowaan tababar ugu soo dhamaaday xero ku taala Duleedaka magaalada Kismaayo sida ay sheegayaan warar xog oyaal ahi.
Isku soo wada duuboo arinkaan ayaa ah mid ay doonayaan xoogaga xarakatul Shabaabul Mujahidiin in ay ku soo afjaraan dagaalada Magaalada Muqdishu sida ay sheegen saraakiisha ku howlan diyaarinta Ciidamadaasi.
Xafiiska warqabadka warkadalka.com, Muqdishu