Maleyshiyaadka Ashahado Ladirirka Galgaduud oo Dumarka ka mubnuucay in ay qaataan Xijaabka iyo qaarka mid ah Dumarka Degmada Guriceel oo arinkaasi ka horyimid.
Posted by admin on August 02 2009 00:15:12

(02-08-2009)Maleyshiyaadka Ashado ladirka labaxay Ahlu Suna waljameeca Ayaa magaalooyinka Dhuusa-Mareeb,Guri-Ceel iyo Caabud-waaq kusoo rogey haweenka in aysan qaadan karin Shukooyinka iyo weliba Indhashareerka,iyagoona ugu baaqay in ay qaataan waxa ay ugu yeeren dharkii ay horay ugu xijaaban jireen dadka Somalida ee ahaa Garbasaarka iyo Guntiinada.
Extended News
(02-08-2009)Maleyshiyaadka Ashado ladirka labaxay Ahlu Suna waljameeca Ayaa magaalooyinka Dhuusa-Mareeb,Guri-Ceel iyo Caabud-waaq kusoo rogey haweenka in aysan qaadan karin Shukooyinka iyo weliba Indhashareerka,iyagoona ugu baaqay in ay qaataan waxa ay ugu yeeren dharkii ay horay ugu xijaaban jireen dadka Somalida ee ahaa Garbasaarka iyo Guntiinada iyo arinkaasi oo ay siweyn uga horyimaadeen qaarka mid ah haweenka ku dhaqan magaalada Guriceel oo ah halka uuka soo baxay Amarka lagu mabnuucayo Xijaabka.
Horjoogaha maleyshiyaadka Ashado Ladirka Dhuusa-Mareen iyo Guri ceel Cumar Sheikh maxamed faarax ayaa maanta soo saaray amar uu ku farayo haweenka Deganada Guri-Ceel ,Dhuusa-Mareeb iyo caabud-Waac in aysan wixii kabilowda Maanta oo ay bushu tahay 2/08/09 aysan haweenku qaadan karin waxa uu ugu yeeray Xijaabka Carbeed.
Cumar sheikh Maxed Faarax ayaa isagoo meel fagaare ah kula hadlaya qaarka mid ah maleyshiyaadka Ashado ladirka kadib markii uuka soo laabtay kulan uu Deganka Balanbale kula lahaa saraakiil Itoobiyaan ah waxa uu Maleyshiyaadkiisa Faray in maanta wixii ka danbeeya la soo qabto Haweenkii lagu arko waxa uu ugu yeeray Xijaabka carbeen isagoo sheegay in aan maanta kadib la qaadan karin Shukooyinka ay Haweenku ku lebistaan iyo Indha Shareerka isagoona ku wargeliyey in maanta kadib ladoonayo in la joojiyo xijaabka nuucaasi ah isagoo ku war geliyey in ay qaataan Dharkii horay Haweenka somalidu ay ugu xijaaban jireen ee ahaa Garbasaarka iyo Guntiinada.
Horjoogaha Maleyshiyaadka Ashado ladirka ayaa Amar ku siiyey maleyshiyaadkiisa in ay soo qabtaan haweenkii ay ku arkaan Xijaabka waxa uu ugu yeeray Jixaabka Carbeed isagoo u sheegay in loo baahan yahay in dhaqanka Somaliyeed la ilaaliyo intii kan wahaabiyada la dhaqan gelinlahaa sida uu sheegay.
Qaarkamid ah Haweenka Degmada Guri-ceel ayaa la sheegay in ay arinkaasi ka soo horjeesteen ayna ku dhaarteen in aysan taasi aqbali doonin ayna ka xigaan in laxiro iyadoo qaarkood ay durbadiiba afka ku dhufteen in arinkani uu ka yimid dhinaca Itoobiya maadaan uu horjoogaha maleyshiyaadka ka soo laabtay kulan uula lahaa Saraakiil Itoobiyaan ah Deganka Balanbale.
Faadumo Geesey ooka mid ah Haweenka ku ganacsada magalaada Guri-Ceel ayaa sheegatay in aysan marnaba aqbali doonin in ay iska dhigaan shukooyinka ayku lebisan yihiin iyadoo sheegatay in ay yihiin dad Muslimiin ah aysana dhaadaneyn awaamiir katimid Dalka Itoobiya sida ay hadalka udhigtay.
Isku soo wada duuboo xaalada Deganada Guri-Ceel,Dhuusa-Mareeb iyo Caabud-Waaq ayaa umuuqata mid aad u kacsan hadii ay awaamiirtani ka dhaqan gasho deganadaasina waxaa soo food saartay deganadaasi Xaalad aan caadi aheyn waxaana laga yaabaa in uu deganka ka bilowdo kacdoon dadweyne hadiiba ay Maleyshiyaadka Ashado ladirku isku dayaan in ay dhaqan geliyaan Awaamiirtaasi.
Xafiiska warqabadka Warkadalka.com,Muqdishu