Nabi Suleymaan: "Ii Imoow Adoo Muslim ah"(Balqiisa); Hillary: "Ii Imoow Adoo Kaafir ah" (Shariifka)
Posted by admin on August 01 2009 00:47:09
(31-07-2009)Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato, Danta maqaalku maaha Shariif baa gaala ama muslim ah laakiin waxaan labo isku khilaafeyn in shaqaduu faraha kulo jiro tahay gaalnimo – inuu ciidamo iyo gaalo u keensado inay muslimiinta laayaan oo diintooda ka hor istaagaan.
Extended News
(31-07-2009)Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato, Danta maqaalku maaha Shariif baa gaala ama muslim ah laakiin waxaan labo isku khilaafeyn in shaqaduu faraha kulo jiro tahay gaalnimo – inuu ciidamo iyo gaalo u keensado inay muslimiinta laayaan oo diintooda ka hor istaagaan.
Ilaahay wuxuu Qur’aanka ku sheegay in Isaga, Rasuulkiisa iyo Mu’miniintu leeyihiin cisiga. Waa arrintaas darteed wixii nabi Suleymaan (CS) warqad ugu qoray haweenaydii caqliga badnayd ee lagu sheego Balqiisa. Haweyneydaas waxay la tashatay waxa laga yeelayo Warqadda wanaagsanayd ee uga timid nabi Suleymaan (CS). Dadkeedii bay la showrtay.
Yuu Shariif kala tashaday qorshaha uu kula kulmayo Mrs Clinton? Wasiirradiisa? Baarlamaanka? Ahlu Sunna Wal Jameeca? Labada Mukulaal madoow – Bwakira & Murtad Axmed Cabdalla? Qofka markuu dulluubo waxaa ka luma halbeegyada wax lagu miisaamo.
Marka dowlad laga hadlayo, madaxweyne waa madaxweyne. Madaxweynaha Brundi wuxuu u dhigmaa madaxweynaha Maraykanka marka la fiirsho jagada. Wasiirka arrimaha dibadda ayaa u dhigma haweenta Hillary Clinton. Maaddaama Maraykanu horboodo UN-ka, la yaab ma leh in wasiirradiisu qaabilaan madaxweynayaasha adduunka laakiin waa la yaab in wasiirradoodu u yeertaan madaxweynayaasha adduunka! Madaxweynayaasha waddamada saboolk ah waxaa lagu ihaaneystaa meelaha loo sameynayo shirar looga hadlayo saboolnimada.
Markaas baa reer Galbeedku usoo diraan wasiirro ama ergo. Madaxweynayaashaasi waa ku khasban yihiin inay qaabilaan cidda loo soo diro. Ha ahaato Mrs Clinton, murtad Axmed Cabdalla, Bwakira, iyo kuwo kale. Sheekh Shariif ma gacanqaado haweenka ku jira “xukuumaddiisa” iyo baaralamaanka. Laakiin wuxuu gacanqaaday Jendayi Frazer. Sidoo kale wuu ku khasbanyahay inuu gacanqaado haweenta madaxda u ah ee Mrs Clinton.
Waxaa la sheegayaa inuu codsaday in saxaafadda laga qariyo salaantaas markay dhacayso. Waa khasab in la duubo kulankaas laakiin la yaab ma leh in muddo saxaafadda laga qarsho. Muqaawamadu waxay warqad hawada u marinayaan haweeneydaas iyagoo leh: soo muslim oo qaado Ashahaadada. Dad badan baa yaabaya! La yaab ma leh oo ciddii Ilaah aaminsan baa cisiga leh xitaa adoo xagga maaddiga ah daciif ah.
Kollay reer Yurub waxaa laga sheegaa inay Maraykanka ku dhaheen: jagada Shariifka la siiyey kama duwana jawaahirtii, jinjimihii, dahabkii, luulkii laga lulay iyo xariirtii huga looga dhigay gabar jaarid ahayd oo la oran jiray Khaalisatu! Gabadha waxay hoos joogtay Khaliifkii Haaruun Ar-Rashiid. Gabadhu way fool xumayd. Carabtu waxay dhahaan ninkii gabadhaas oo kale ku daya inuu jawaahir iyo xariir qurux kaga keeno waa qof maalkiisii dayacay.
Nin gabyaa ahaa oo tagi jiray naadiga Haaruun baa gabadhaas oo dhar iyo dahab lagu raray arkay dabadeedna albaabka Haaruun ku qoray meeriskan. Xarafka da’-da ah ee u horreeya (daaca) ku beddel Saadka dhibicda leh ee Carabiga. Wuxuu yiri: Laqad daaca shicrii calaa baabikum kamaa daaca durrun calaa Khaalisah Wuxuu ka wadaa: gabaygeygii wuxuu ku dayacmay albaabkiinna sida luulkaas uu ugu dayacmay korka gabadhaas Khaalisatu ah! Markii meeriskaas loo dusiyey gabadhaas ayey Haaruun ka codsatay inuu ciqaabo Abuu Nuwaas. Haaruun waa jeclaa gabadha.
Markii Abuu Nuwaas loo yeeray, buu inta albaabkii soo marayey si fiican u farsameeyey meeriska gabayga ahaa. Weli da’-da ka dhig Saadka dhibicda leh. Wuxuu sameeyey Caynka “Daaca” ku jira ayuu dabada qaroofan ka tiray si ay ugu noqoto “hamzah” waxaana meeriskii u ekaaday sidan: Laqad daa’a shicrii calaa baabikum kamaa daa’a durrun calaa Khaalisah Markan “daa’a” waa iftiinka. Micnihii meeriskuna waa isbedelay. Ma garanayo in Mrs Clinton ay kordhigi doonto Shariifka maaddaama Muqaawamadu hoosdhigtay! Reer Yurub waxay dhahaan: Maraykanoow waxaad rabtay inaad sidii Ciraaq isku dirto qabiillada Soomaaliyeed. Waad ku guuldarreysatay. Sidoo kale waxay dhaheen waxaad rabtay inaad isku dirtid Muqaawamada dhexdeeda, sidoo kalana waad ku guuldarraysatay.
Waxay sheegeen inuu ku guuleystay qolada ku gabbaneysa magaca Ahlu Sunnah Wal Jameeca oo Tigreegu xukumo. Marka waxay sheegeen in Shariifka lagu khasaaray. Muddo bil ka yar ayaa Al-Jasiiraha iyo teleefishinno kale waxaa laga soo daayey Madaxweynaha Iiraan ee markaas oon filayo inuu ahaa Khaatami inuu Kofi Annan ka dhameeyeey inuu wada kulunsiiyo haweeneydii ugu horraysay ee Maraykana ee noqota xoghayaha arrimaha dibadda, Madeleine Albright iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan. Khaatami oo ka aarsanaya ballan horay Maraykanku uga baxay baa kullankii u diray ku-xigaha wasiirka arrimaha dibadda. Albright oo iska daqdaq leh baa soo gashay qolkii. Markii shirku bilaabmay ayay aragtay waxa horfadhiya inuusan ahayn dhiggeedii – wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan! Marka nimankaas Beershiya ka soo jeeda ma aha kuwa loo geli karo.
Maantana nin madaxweyne sheeganaya baa far loogu yeerayaa isagoo u qaba in janno loogu bishaareeyey. Horta Xamar cid aysan Muqaawamadu ogeyn ma soo geli karaan. Qofkii kale waa inuu sida labada Mukulaal madoow – Bwakira iyo murtad Axmed Cabdalla soo dhuuntaan oo la arko iyagoo Madaxtooyada dhex taagan. Intaasaa guul ah! Wafdi waxaa la dhahaa ciddii garoonka iyo jidadka lagu soo dhoweeyo! Marka Shariifku lixdiisii bilood ee dambe waa dhammaatay.
Maaddaama arrimaha Ilaah maamulo waxaa dhici karta inuusan ku soo noqon Soomaaliya. Sidoo kale waa dhici kartaa in Maraykanku ku dhahaan Shariifka istag; qof kalaan wadanaa; adigu qaban weyday wixii laguu igmaday. Horta waxaan shar u qabno baa laga yabaa inay fiican yihiin. Madaxweynayaasha sida Cigaal Shidaad sheeko xariirta laga sameeyo waxaa ku jira kan Afganistaan, Ciraaq, Cali Mahdi, Caydiid, Cabdi Qaasim, C/hi Yuusuf iyo Shariif.
Maaddaama C/hi Puntland xukumay; Caydiidna Baydhabo iyo meela kale joogay waxaa arrintu ku foorartay Cali Mahdi oo Kaaraan xukumay iyo Cabdi Qaasim oo Taleex xukumay. Maaddaama Cabdi Qaasim uusan ridin dagaal sokeeye ama cadow soo gelin Soomaaliya isna kor buu u kacay. Marka sida Cigaal Shidaad waad maqli doontaan iyadoo carruurtu ku sheekeysato: madaxweynihii awoodda badnaa ee sheekh Shariif ee xukumi jiray Soomaaliya! Haddee awalba wiilkaas haweentii Jendayi Frazer baa usha u haysay. Ma filayo inuu ceeb u arko inuu faraqa ku xirto Hillary.
Shariifku wuxuu codsanayaa inaan la soo bandhigin markuu gacanqaadayo. Yaa ka yeelaya. Mrs Clinton waa caqli badan tahay waa laga yaabaa inay ka dhigto: madaxweyne dowlad Islaami ah oo aysan gacanqaadin. Si dadka maangaabka ah loo khaldo. Haddii salaanta Hillary la qariyo; yaa qarin tii Jendayi Frazer? Yaa arkay madaxweyne aan cid marti gelin karin? “Dowladdii Jibuuti baa lagu dhisay! Shirarku Kenya bay ka dhacayaan! Marka hadduusan ka toobad keenin haddee isaga iyo Hillary Clinton baa la soo jamcinayaa aakhiro. Marka dhagarta aad noo maleegeysid Ilaah waa u jeedaa. Marka waxaad rabtid samee.
WA SALLALLAAHU CALAA NABIYINAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WASAXBIHI WA SALAM. Wey dhici karta in Shariifku hayid uga dhigo “hooyo” Clinton inuu inta Janaqoow xafidsiiyo heestii Hadraawi ee hooyooy la’aanta dabadeedna Janaqoow kaga hor luuqeeyo haweentaas horteeda. Heesta waxaa ku jirtay:
- Hooyooy la’aantaa (Markan Mrs Clinton)
- Adduunyadu hubaashii
- Habeyn kama baxdeenoo
- Dadku uma hayaameen
- Cirka hirarka muuqdee
- Ruuxaad habeysiyo
- Usha nimaad u heystaa
- Hillin toosan weligiis
- Ka habaabi maayee
- Hooyooy addoomuhu
- Halkay maanta joogaa
- Adigoow horseedoo
Ma filayo in miruhu saas usu xigeen laakiin waxay ka wadaan in Hillary qofkay usha u qabato uusan marinka seegeyn, uuna ka reyn karto cid xitaa Ilaah aamisan. Marka Ilaah baan ka magangalnay caqli xumadaas.
W/Q:- C/Waaxid Khaliif.
cabdulwaxid@hotmail.com