Hal sano kadib dilkii Aadan Cayrow maxaa iska badalay Siyaasada Soomaaliya. (W.Q.Abdi Mohamed,garyaqaan77@hotmail.com)
Posted by admin on May 02 2009 05:16:34
(02-05-2009) 1-da May maanta oo kale sanadkii hore waxay ku beegan tahay geeridii Marxuum Aadan Xaashi Faarax Cayrow oo ahaa Hogaamiyihii Ururka Alshabaab, kadib markii weerar xaga cirka ah ay ku dileen Diyaaradaha dagaalka Mareykanka.
Extended News
(02-05-2009) 1-da May maanta oo kale sanadkii hore waxay ku beegan tahay geeridii Marxuum Aadan Xaashi Faarax Cayrow oo ahaa Hogaamiyihii Ururka Alshabaab, kadib markii weerar xaga cirka ah ay ku dileen Diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Waxay aheyd habeen saq dhexe 8:30 habeenimo, xilligaas oo mar kaliya dad reer Dhuusa Mareeb ay ka war heleen duqeyn arxan daro ah oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka la bartilmaameedsadeen Guri uu Magaalada Dhuusa Mareeb ka deganaa Aadan Cayrow iyo Rag kale oo saaxibadiis ah.

Tafaasiisha weerarkaas oo markii hore ahaa mid si tartiib tariib u soo shaac baxayay, ayaa waxaa xilligaas xaqiijiyay Afhayeenka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo sheegay in ay shahiideen Macalin Aadan Cayrow iyo rag kale oo ka tirsanaa Alshabaab.

Ka sokow beegsiga Mareykanka ee Aadan Cayrow oo ay u arkayeen inuu ahaa nin xiriir la leh Al-qaacida waxaa ku dhintay ilaa 12 ruux oo qaarkood dad rayid ah, halka 7 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhaawacyadooda ay ahaayeen sanad kadib.

Ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas sanad kadib ayaa maanta sheegay inay wali gucanayaan waxyeelada uu Mareykanka u geystay ee aheyd duqeyntii lagu dilay Marxuum Aadan Cayrow, waxaana duqeyntaas ku bur buray dhowr guri oo ku dhowaa guriga Marxuum Aadan.

Weerarkan waxaa uu ahaa weerarkii 4-aad muddo 16-bilood gudahood ay ciidamadda wadanka Maraykanka ku soo qaadan gudaha wadanka Soomaaliya, iyadoo intooda badan ay sheegaan in goobaha ay weerarada ka geystaan ay ku sugan yihin Islaamiyin xagjir ah.

Nin ceynkee ayuu ahaa Cayrow

Aadan Cayrow waxaa uu ahaa nin dhalinyaro ah wuxuu dhashay 1976-dii, ma aheyn nin inta badan ka soo muuqan jiray shaashadaha iyo inuu ka hadlo Idaacadaha, waxaa kaliya jirtay in marar qaar cajalad uu soo duubay laga sii daayay Idaacadaha.

Erayga Macalinimada waxay ugu baxday Tababarida Ciidamada oo waxa uu ahaa nin tababar ku soo qaatay Dalka Afganistaan. marka aad eegto muuqaalkiisa waxaa uu kuula eekanayaa nin ka da' yar sanadka uu dhashay waa caato madax xiirnaa, waxaa uu ahaa nin aan looga baran in muuqaalkiisa lagu soo bandhigo Saxaafadda.

Halgankiisa Mabda' qabiileed ma aysan aheyn wuxuu ahaa mid Diimeed, wuxuuna aamisanaa in dagaalkan uu socon doono ilaa shareecada islaamka in dalka lagu xukumo ama shafka xabad loogu dhifto.

Waxa uu kaga duwanaa Hogaamiye Kooxeedyadii, isagoo aan wax ilaalo ah u noqon Rag ay ehel yihiin, dadka ilaalada u ahaa waxay ahaayeen kuwo aysan heyb ahaan aysan wadaagin sida looga bartay Hogaamiyeyaasha Soomalida.

Waxaa uu taliye Ciidan ka soo noqday Maxkamadii Islaamiga ahayd ee degaanka Ifka Xalan ee Magaalada Muqdisho xilkaas oo loo magacabay bishii July ee sanadkii 2005 kii.

Wuxuu kaalin mug leh ka qaatay Nidaamkii Maxkamadihii islaamiga, iyo dagaaladii ay la galeen Hogaamiye Kooxeedyadii ayna dalka ugu saareen, wuxuu ka soo qeyb qaatay dagaaladii Gedo ee ay ururkii Al-itixaad ku dhex maray Ciidamada Ethiopia.

Dilkii Aadan Cayrow Mareykanka maku aflaxay?

Dilkii Cayrow oo ahaa Hogaamiye da'yar waxaa uu ahaa dil uu Mareykanka ka soo shaqeeyay, isagoo u arkayay shaqsi aan caadi aheyn oo qatar ku ah danaha Mareykanka, iyadoo uu ku eedeynayay inuu ku soo tababartay Dalka Afganistaan.

Inkastoo Mareykanka guul ka sheegtay weerarkaas, hadana kuma aflaxin, waayo waxaa sii baahday awoodii Alshabaab, sanad kadib waxay Alshabaab gacanta ku heysaa Gobolo badan, waxaa faracamay dhalinyaradii Shabaab oo haatan ah awooda kaliya ama cududa milatari Islaamiyiinta Soomaaliya kuwooda ugu awooda badan.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa weerarkaas ka helay Dhiira gelin, waxay cadeyn u noqotay sida Mareykanka ula dagaalamayo Muslimiinta, qaarkoodna waxayba iyagoo Jihaad doon ah uga yimaadeen dalal reer Galbeed ah oo dalka Mareykanka uu ka mid yahay.

Maxaa iska badalay siyaasada Soomaaliya sanad kadib geeridii Macalin Aadan Cayrow.

Allaha u naxariistee Aadan Cayrow wuxuu ahaa hormuudkii dagaalyahanadii Alshabaab ee dagaalka la galay Ciidamadii Ethiopianka ee dalka ku sugnaa sanad ka hor iyo Dowladdii uu hogaaminayay C/llaahi Yuusuf, balse maanta is badalo ayaa dalkii ka dhacay, waxaana meesha ka baxay Ciidamadii Ethiopianka iyo Xukuumadii C/llaahi Yuusuf.

Kadib geerida Macalin Aadan Xaashi Faarax Ceyroow waxba iskama dhimin awoodii iyo dhaq-dhaqaaqii Alshabaab waloow iminka la rumeysan yahay awoodoodo sii xoogeysataya waxeyna dagaalo faraha loogu gubtay lasoo galeen dowladii uu horboodi jiray C/llaahi Yuusuf Axmed iyo ciidamadii Ethiopian-ka ee labada sanno gudaha Somalia ku sugnaa.

Laakiin arrinta kale ee is badalada laga dareemayo ayaa ah in xukunkii dalka uu la wareegayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed Amiirkii Maxkamadaha Islaamka oo uu Marxuum Cayrow ka mid ahaa, balse taas Alshabaab kuma qancin, kadib markii ay ka soo horjeesatay Dowladdiisa.

Alshabaab ayaa guud ahaan gobolada Koonfuteed iyo gobolada Dhexe ee Somalia qaar kamid ah ku sugan xiligaan iyagoo awood aad u xoogan ku leh, reer galbeedka ayaa Al-Shabaab ku tilmaamaan urur halis ku ah nabada Geeska Africa balse Al-Shabaab waxey sheegaan inaysan Geeska Africa halis ku aheyn aysana dooneyn balse ay doonayaan in gudaha Somalia diinta Islaamka lagu xukumo.

Alshabaab ayaa ah urur madaxdooda isku xiran yihiin waxeyna leeyihiin Afhayeen u hadla kaliya mana dhacdo dadka ka tirsan inay Saxaafada la hadlaan taasoo muuqaneysa inay yihiin rag isku xiran oo go’aamo u degsan.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamiga waxuu aad u garanayaa raga hogaamiya Al-Shabaab balse taasi kama dhigeyso inay xabada ka joojiyaan dowladiisa oo Al-Shabaab rumeysan tahay inay reer galbeedka dhabarka kasoo riixeyso.

Degmada Dhuusa Mareeb oo uu ka soo jeedo Marxuum Aadan waxay haatan gacanta ugu jirtaa Kooxda Ahlu Sunah Waljamaacah oo ah Culumaa'udiinka dariiqada Suufiyada, waxayna dagaal lagu hoobtay ay la galeen Kooxda Shabaab, Ahlu Sunah ma aheyn mid ka dhex muuqatay siyaasada, balse maanta meel dhexe ayay kaga jirtaa masraxa Siyaasada, waxayna gacanta ku heysaa inta badan Gobolka G/gaduud.


Halkan ka aqriso gabay Qiimo badan oo uu Tiriyay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka Damqaday Dilkii Mujaahidka  Xuquuqda Gabaygana asaga ayay gaar u tahay oo maleh Qoraha Maqaalka ama Boga Warkadalka.com toona.

GABAY LOO TIRIYEY AADAN CAYROW Markii uu Dhintay....

 

NABADGALYO KORKAADA HA AHAATO MUJAAHID CEYROWNABADGALYO KORKAADA HA AHAATO IYO WALAALIHII IIMAANKA KAAGA HORMARAY IYO SHARFAT SALAAN NAGA GAARSII CULAMADII, MACALIMIINTII, MUJAAHIDIINTII, GEESIYAASHii,


ALLE WAXAAN KA RAJAYNAA IN UU IDINLA KULMIYO MADAXII SHUHADADA XAMZA BIN C/MUDHALIB IYO ASXAABTII LAGU LAAYAY JIDKA ALLE AYAGA OO KU DAGAALAMAYO AMA LOO GOWRACAY IN AY KALIMADA ALLE SARE NOQOTO DHIIGOODA LOO DAADIYAY SIDA CUMAR BIN KHADAAB, CUSMAAN BIN CAFAAN, CALI BIN ABII DAALIB, SACIID BIN JUBEYRISTOWDACKALLAH YAA CEYROW ALLAHA AYSAN DAYACMIN WADAAICDIISA !!


CEYROW WAXA ALLE AGTIISA YAALO AYAA KHEYR BADAN OO BAAQI NOQONAYO WAAD KU FAA,IIDAY GANACSIGAADII WAXAAD LA TAGTAY FAA,IIDOOYIN BADAN WAXAAD QAADATAY MIISAAN AAD U CULUS WAXAAD KA BADBAADAY DULIGA AAN KU NOOLNAHAY WAXAAD KA BADBAADAY IN AAD ARAGATO MAANTA WAXII KA DANBEEYO MUSLIM LA CABSIINAYO DULINIMO, IN AAD ARAGATO GAAL KIBRAY OO QOOQAY OO MADAX NOQDAY, IN AAD ARAGATO MUSLIM DHULKIISII QARIIB KU AH DULINIMO KU JIRO.


SAFAR KHEYR LEH XIDIGII NOO SOO BAXAY MUJAAHIDKII SUGNAAY GEESIGII LA LOODIN KARI WAAYAY SAFAR KHEYR LER DAARTII LA JECLAA, BEERTII SAALIXIINTA,GURYIHII BAARIYAASHA, XAAFADIHII AKHYAARTA.



SAFAR KHEYR LEH SI AAD MARKHAATI UGA NOQOTO ALLE AGTIISA UMADDAAN SI KASTE OO LOO DULEYSTO, LOOBAABI’IYO, LOO GOO GOOYO, LOO GOWRACO,LOO GUBO, IN AY KA SUULAYNIN IN AY KU JIRAAN KOOX U TAAGAN BADBAADINTA UMADDA HOOYOOYINKA IN UURKOODA AY KU QAADAYAAN RAG KU GARAACO XABADDA HALKII LOOGU TALAGALAY XAQANA U CELIYO CIDDII ISKA LAHAYD EE LAGA QAATAY, BIYAHA MARINKOODA MAR LABAAD KU SOO CELIYO.


GEESIGII I DAAFICAYOOW, GURIGAYGA KII ILAALIYOOW, GARABKAYGA KII AHAAYOOW, GURMAD KII II FIDIYOOW, GUMEYSIGA KII II DIIDAYOOW, GAYIGA AAN KU NOOLAHAY GOBANIMO KII IIGU HORKACAYOOW, GANTAALADA GARBAHA LAGA RIDO KII GAAALKA KU GARAACAYOOW, SAFAR KHEYR LEH IYO SHAHAADAAADA OO LA AQBALO AYAAN KU WEYDIINAYAA ALLE U NAXARIIS BADAN ADOOMIHIISA JANOOYINKA SAR SARE AYAAN JALIILKA KAAGA BARYAA


CEYROOW HADDII XAGA ALLE U SAFRAY UMADDAN DHAMAAANSHO LOOMA QORIN MIRAHII UMADDA DHULKA AYAY KU DUUGAN YIHIIN ILAA ALLE UGA SOO DEJIYO ROOB OO AY SOO DHASHAAN CALEEMO BIXIYAAN MIRO SOO SAARAAAN.


UMADDA NABI MUXMED SALAAHU CALAYHI WASLAM DHIMAN MAYSO WALIGEED WAA UMADDI LAGU KHATIMAY UMADAHA, WAAKUWII BALANTII ALLE QAADAY, WAA UMAD WANAAGA DADKA AMRAYSO XUMAANTANA REEBEYSO.


UMADDAN DHIMAN MAYSO WALIGEED WAA TII LOO BALAN QAADAY KHALAAFADA DHULKA,LOO DIYAARIYAY HOGAAMINTA BINIAADMAKA, LOO DOORTAY HAGAAJINTA INSAANKA, LAAKIIN WAXAY DULINIM,O HOOG, BALAAYO IYO LACNAD KU DHACDAY BUUSH, MELEZ IYO INTII DABA SOCOTO DADKII ANBIYADII LAAYAY CADAWGA ALLE IYO CADAWGA INSAANKA.


CEYROW ISHAADA HA QABOWSATO , SEEXO SI RAAXO LEH XAQII LAGUGU LAHAA WAAD GUDATAY QOORTAADANA WAAD XUREYSAY DIINTIINA WAAD U GARGAARTAY, UMADDA MADAXEEDA KOR AYAAD U SOO QAADAY, WAXAAD BARTAY IN GAALKA LA ISKA CELIN KARO IN GAALKA YAHAY QOF INSAAN AH OO LA DILI KARO, LANA DHAAWICI KARO, LA QABSAN KARO, QORIGA UU HAYSTO GAALKA LAGU DILI KARO, WAXAA KAA DANBEEYO WIILAL AAD BARTAY SIDA MASAAJIDA LOO BUUXIYO QUR’AANKA AAD XIFDISIISAY, WIILAL AAD BARTAY SIDA GAALKA LOO ARGAGAXIYO SIDA HURDADA LOOGU DIIDO BUUSH IYO MELEZ. CEYROOW WAA KU DABA JOOGAAN NOO SABAR INTA WAAGA KA SOO DILAACAYO (WAAGA DILAACIISA MIYUU SAN DHAWEYN !!!)


W.Q.Abdi Mohamed
garyaqaan77@hotmail.com