Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo soo bandhigay Muuqaalka iyo Magaca dagaalyahankii isku qarxiyey B/Weyne sheegayna in ay sameeyen Guuto loo gumagac daray Adan Cayrow

(21-06-2009)Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo soo bandhigay Muuqaalka iyo Magaca dagaalyahankii isku qarxiyay Balad Weyne iyagoona ku sii bandhigay Mid kamid ah shabakadaha  Internet-ka ee ay adeegsadaan Kooxaha Islaamiyiinta Caalamku ayaa xalay saqdii dhexe baahiyay bayaan sawirro wata oo ay uga hadlayaan habkii uu ufuley Ciqaabtii lamarsiiyey wasiirkii Abniga Qaranka DKMG ah iyo Xunihii kula sugnaa Hotelka Madiina ee magaalada B/Weyne iyagoona sheegay in uu Camaliyaasi fuliyey mid aka mid ah Guuto cusub oo ay hada sameeyen looguna Magac daray kooxdii macalin Adan cayrow.

Bayaanka lagu qoray shabakadaasi ayaa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab  waxa ay ku sheegtay in uu Qaraxaasi Barakeysa uu fuliyey Mid ka mid ah Mujahaadidiinta Al shabaab oo lagaciisa Lgu sheegay Max,amed Deerow Sheikh Aden (Zubeyr) uuna Qaraxaasi ismiidaaminta aka mid  ayhay Go'aano ay ku gaareen Xoogag mujaahidiintu  in ay ku laayaan madaxda Sarsare ee  waxa ay ugu yeerer Xukuumada Ridada iyagoona sheegay in ay Sameeyeen Guuto gaar ah oo ay ugu magac dareen Hogaamiyaal Muhiim ah oo looga diley Dagaalo ay la galeen kooxo iyaga ka soo horjeeda iyo weliba qaar lagu diley Shirqoolo la soo maleegey.

Saraakiisha Loogu magac daray Guutadaan cusub ee loogu talo galay in ay mid mid ulaayaan Madaxda Sare ee DKMG ah ayaa waxaa kamid ahaa Hogaamiyiihii Sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab  Macalin Adan Cayrow,General Abu Sulaym (Timajilic) iyo C/Laahi salaad Hogaamiyayaashaas aya agabi good waxaa lagu diley gobolka Galguug halka Macalin Adan Cayrow isaga lagu diley shirqool ay soo maleegen reer galbeedku balse ay Fuliyeen masuuliyiinka tirsanaa Xukumadii Imbagathi iyo Siyaasiyiin iyo ganacsato Gabigood ka soo Jeeda Beesha uu ka dhashay ee Cayr.

Dhinaca kale Qoraalka ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab  ayaa waxaa lagu soo ban dhigay Waxgarad iyo Siyaasiyiin gabigood ay sheegen in ay uadeegayeen Waxa ay ugu yeeren Cadowga Illaaheyn oo ku nafwaayey Qaaraxaasi ismiidaaminta ahaa ee maalintii khamiisti ka dhacay Magaalada B/Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyagoo markii ugu horeyseyba soo bandhigay wasiirkii Abniga Cumar xaashi ,safiirkii kOoxdii imbagthi ufadhinjirey Dalka Itoobiya C/Kariin Laqanyo iyo sidoo kale 6 sargaal oo sarsare oo ka tirsanaa xukuumada Itoobiya.

Waxaana sidoo kale ay qoraalkaasi ku sheegen in qaraxaasi ay ku nafwaayeen Saraakiil farabadan oo katirsanaa Waxa ay ugu yeeraan Dowladda ridada kuwaasi oo u badna akuwii lagu soo taba baray dalka Itoobiya balse magacooda lama shaacin iyo inta ay tiro la ekaayeen kuwaasi oo kuligood ku wax yeeloobey xarakii ka dhacay Hotel madiina ee Magalaada B/Weyne.

Xafiiska warqabadka Warkadalka.com ,muqdisho

Comments

#21 | jamal007 on June 21 2009 04:42:11
Inaa Lilaah Wa ina Ilaahi Raajicuun
Cungaan Saqiirka ah Kuwa beenta u sheegaya ILaahey Naarta ha ku Fogeeyo.
Godane,Robow mansuur,Cali dheere haday run sheegayan may ayag is Qarxiyaan o janada Doontaan ,walee kuwaan waa Khawaarij iyo Mooryaan Cimaada qaadatay .Waan jabayaan INsha Allah. kafuurduubta kuwa taageray Ilaahey ka cabsada .Mujaahid i dheh hadii kale wa ku dilayaa .sheego badanaa
#22 | cumar on June 21 2009 04:47:24
waxaa illah uga baryaa in uu illah uusan unaxariisan jahanaba ehelkiisa in ilaah kadhigo asgoo dilay dad muslimiinah..
#23 | axmed on June 21 2009 05:04:12
allaah ka ciseeyo muslimmta
insha allah xaqa ayeey wada arkeen soomaalida
insha'alaah mujaahidiintaan taa nookale ayu wadnka u soo haraayaa
#24 | mulla cumar on June 21 2009 05:04:29
allahu akbar allahu akabar allahu akbar walilaahil xamd. maanta walaakey taariiqda islaamka baal dahab ayuu ga galay
#25 | ABU SUHAILA on June 21 2009 05:04:55
ALLAHU AKBAR ILAHAW KA QABAL SHAHAADA
#26 | run sheeg on June 21 2009 05:20:42
War kuwa leh madaxda al shabaab ha is qarxiyeen ma waxay rabaan in la waayo wax soo abaabulo wiilasha gesiyaasha ah ee laaynayo mujririinta gaalada itoobiya soo hogaamiyay sida c. xaashi iyo laqanyo. geesiga camaliyada fuliyay shahaadadiisa allaah ha ka aqbalo.
#27 | ABDIKADIR on June 21 2009 05:53:50
SCW WAXAA NASIIB DARO AH IN DIINTII LAGA BEEN SHEEGO UMAD ISLAAM AH LAA LAAYO
#28 | Qoowdhan on June 21 2009 08:01:28
waa canug lasoo marin habaabiyay, oo hooyadii gablantay, kuwa soo diraaya meey isqarxiyaan maxaa eey caruurta u gumaadaayaan, waxaasi diin ma ahan ee rabi ka baqa.
#29 | Toosoow on June 21 2009 08:06:40
waa dee canug la marin habaabiyay, kuwii soo dirayna NAARTA ayeey kuwaaridoonaan. insha allaah.
#30 | MANEXE on June 21 2009 08:47:00
MAAFIYADA ADUUNKA OO DIIN SHEEGANEYSA.

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.


Render time: 0.05 seconds
358,258 unique visits