Navigation
BBC Somali
Somali Links
Warka dalkabuka acc IBCBET ??
Al-Shabaab.net
Aflax
Altaqwaa.com
AllSomali.com
Allceeldheer.com
Aftahan
BBC Soomaali
Banadir-city.com
Baraawecity
Cadaado.com
Daarulcilmi
Dalkanews
Godeynews.com
Gedonet.com
Galgaduudpost
Goobjoog.net
Hillaac.net
HornAfrik Online
Ilaqosal
Jowhar.com
Kismaayonews.Com
Kismaayocity.com
kaambooni.net
MarkaCadey.net
mujaahidiin.org
Mudug Online
Onkod.net
Puntlandpost
Puntlandonline
Qaadisiya.com
Shabelle.net
Simbanews.com
Saxwah.co.cc
Somalifans.net
Somalia Online
Somaali.com
Somalitalk
shoot dead
somalidoon.com
Somalitribune
Somalinews
Somali Mirror
Somaliswiss
Wayaha.com
Xamarnews.com
Xaasid.com
Tech Blog
Image Host
Akhbaar

Ciqaabta Dilka iyo Shirqoolka Mujaahidiinta oo Ciqaabku noqotay Beesha Ceyr...(halkaan ka aqriso).

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo soo bandhigay Muuqaalka iyo Magaca dagaalyahankii isku qarxiyey B/Weyne.(Warbixinta iyo Sawirada Mujaahidka Halka ka Aqriso).

Dagaalkii ugu adkee ee ka dhaca magaalada Muqdishu tan iyo markii ay Dalka Timid DKMG ee uu Madaxweynaha kayahaya Sharif.....(Warbixinta iyo Sawirada Halka ka Aqriso ).

Dagaalkii Deganka Wabxo iyo Meydadka Ashahado Ladidirka Galgaduud ee Sheegta Ahlu Suna Waljameeca... ( Warbixinta iyo Sawirada Alshado ladirka Halka ka Aqriso).

01/05/09 maanta oo kale sanadkii hore waxay ku beegan tahay geeridii Marxuum Macalin Aadan Xaashi Faarax Cayrow oo ahaa Hogaamiyihii Ururka Alshabaab.....(halkan ka aqriso).
Video: Halkaan Dawaao ciidamada Ethiopia oo kabaxeesa Muqdisho ee dalka Soomaaliya
Video: Halkaan ka fiirso Xoogaga Al-Shabab ee gacanta kuhaya magaalada Kismaayo.
Login
Muqaawamo: Rabbiga Caalamka; Shariif : Beesha Caalamka, C/Waxid C/hi Khaliif
Anigu in wiilka qumayo qaadday mar horaan gartay. Waa markaan la simay Xasan Turaabi iyo dadka la midka ah ee waxyaalo badan oo Islaamku qabo ku tilmaamay xikmad-darro. Soow hadda sheekh Shariif ma laha culumadu waxay sheegeyso diinta iyo siyaasadda midna ma waafaqsana!
Cod uu furto waxaa sheekh Shariif ugu horreysay markii Aadan Cayroow la dilay. Waxay u egtahay in sirdoonka Maraykanka iyo Tigreegu ku dhaheen waxaan leyneynaa xagjirka marka adaa talada Muqaawamada lagu dhiibayaa. Haddii hadalkaas uu dhihi lahaa Rabbiga Caalamka waa meel mari lahaa laakiin Beesha Caalamku ma meel marisay ballanqaadkii loo sameeyey Shariifka? Teeda kale ma cid aan Ilaah ahayn baa wax dili karta ama nooleyn karta?! Marka in kastoo cilmaaniyiin la shaqeysa Shariifka sida Shariifkii Baarlamaanka, Cumar Xaashi iyo kuwo kalaba isku dayeen iney kala qeybiyaan Muqaawamada iyagoo ilaa xad ku guuleystay laakiin Rabbigii Caalamka ayaa arrintaas aan weli suurtagelin. Mar horaba niman diin lagu tuhmayey ayaa ka soo cararay safkii Jibuuti waxaana ka mid ah Abuu Dujaana. Kuwo kalana waa la filayaa haddii Ilaah idmo.
Waxaa la sheegayaa in wafti ka socday Shariifka oo ka soo degay Jowhar dib loo ceshay.
Haddii arrintaasu caddaato waxaad arkeysaa in sida Rabbiga Caalamku rabo wax u socdaan. Nimanka Shariifku khalday kulligood laguma tuhmayo iney Beesha Caalamka jecelyihiin oo ka hormariyaan Rabbiga Caalamka ee si kale baa loo khalday iyagoo lagu yiri halkaan bey nabaddu ka dhowdahay.
Haddii bayaankii culumada kaddib uu qof diin sheegan jiray isku dhejiyo sheekh Shariif waxaa muuqaneysa iney isaga la mid yihiin oo diideen dantii culumada iyo tii shacabka Soomaaliyeed. Waa arrintaas waxa shacabka Soomaaliyeed intooda badan u taageereen Muqaawamada.
Tigreegii dadka qaarkood ku sheegi jireen iney walaalo yihiin oo waddanka u qabanayaan ayaa hadda isla dadkaasi leeyihiin Tigreegu waa gumeysi! Waa markii sidii la rabay laga waayey. Hadda sheekh Shariif wuxuu ku hayaa: walaalayaaloow, Tigree naga baxa! Taasi waxay ku tusineysaa sida uu siyaasadda uga maranyahay. Waxay u dhowdahay in Tigreegu inta ay maaweelinayaan Shariifka iyo shacabka Soomaaliyeed ay isu diyaarinayaan iney weerar ku qaadan Shabeellaha Hoose, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose haddaan Rabbiga Caalamku qaban. Laakiin wiilkaasi wuxuu ku fiicnaa inuu ardada Soomaaliyeed Juqraafi u dhigo ee ma ahayn inuu laba qof uu maamulo.
Walaalayaaloow dad badan oo culumo sheeganaya raqiisanaa! Huteelo la seexiyey iyo xoogaa doolar ah baa ka dhigay iney haweeneydii Frazer ahaydna waxay tiraahdo aqbalaan waxa culumadu tiraahdana diidaan. Waxaa la siiyey lacag waa hore laga baxay (275 xubnood) oo aanan garaneyn meeshey ku qeybsanayaan, cidda qeybineysa iyo sida loo qeybsanayo. Wataas mar horababa la leeyahay reer Jowhar waa diideen wafdi ka socda Shariifka. Jowhar waa la ceebeeyey markii nimankii C/hi, Cabdi Qeybdiid iyo Darwiish la fariistay lagu soo dhoweeyey Jowhar laakiin hadday ceebta iska meyraan oo mar dambe aysan Shariifka iyo wax la mid ah u ogolaan Jowhar waa arrin soo-dhoweyn mudan.
Halka Shariifku ku hayo “jeclilaayey Jibuutidan joogo” ayaa muqaawamadii waxay dadka ku tujinayaan caasumadda Soomaaliya, Marka iyo Kismaayo. Halka ay Sheekh Shariif iyo Axmed Walad Cabdalla isku meel ku tukanayaan; Muqaawamadu waxay la tukanayaan shacabka iyo culumada Soomaaliyeed. Soow sharafta la sheego taas maaha.
Shacabkoow hal mar Dhegaha Fura
Maraakiibtaan tirada badan ee la sheegayo iney la dagaalayaan Burcad-badeed iyo sheekada sheekh Shariif ee ah Xabashi baa baxeysa yaan la idin ku sirin. Waxaad mooddaa in la yiri dadkaan Soomaalidu waa dad madax adag oo xitaa labadii sano ee Tigreega lagu fasaxay wax ku qaadan waaye marka hadda waxaa la rabaa in Beesha Caalamka ee Shariifku sheegi jiray ay badaha noo soo fariistaan oo halkaas naga weeraraan halka Tigreega iyo eydoodana lagu fasaxo iney waddanka oo dhan dib u galaan. Waataas qorshahooda haddaan Rabbiga Caalamku naga qaban. Si Rabbiga Caalamku wax noogu qabto waa inaan Isaga aaminnaa sidoo kalana siduu rabay wax loo wajaho ee aan nin-jecleysi iyo dano gaara wax lagu maamulin. Haddiiba gaalo ay rootigooda u dagaalayaan maxaa noo diiddan inaan diinteenna, dalkeenna iyo dadkeenna difaacno?
Sheekh Shariif iyo kuwa raacay waa niman raacay niman la leeyahay! Waxaan ka wadaa soow Rabbiga Caalamku ma laha Beesha Caalamka? Maxaynu addoomo ugu noqoneynaa dad la leeyahay? Gabyaa Qaasim Allaha u naxariistee baa laga sheegay:
- Ilaahay saan ka arki jiray waa ku socotaaye
Waxaan aaminsanahay in sidii C/hi Binu Salool u waayey taajkii Ansaar uu Shariifkuna u waayayo xukun kale oo Soomaaliyeed markuu nacayb u gaaday dadaalkii culumada iyo Muqaawamada. Sidoo kale ha arko in ay Beeshu Caalamku awoodi weyday in korneylku Soomaali xukumo oo noqdo madaxweyne awood leh. Marka sidii C/hi Binu Salool uu Jimcayaasha masaajidda uga oran jiray: hala caawiyo oo hala rumeeyo nabi Muxamed (SCW) ayaa hadda Shariifku isku dayaa inuu ku hadaaqo hadalo ah: shacabka haloo turo, nabad wax halagu raadsho, Tigreegu waa baxayaan, Beesha Caalamka ciidamo ha keento, iwm. Markaan waxaan rajeynayaa inuu ku baxo dariiqii C/hi Binu Salool. Marka hadda sheekh Shariif waxaa u soo haray inuu isku dayo inuu qaab qabiil wax ukala qeybiyo inkastoo Soomaalidu ku fahantahay. Sida hadda muuqata Jowhar iyo Dhuusamareebba waxay taageereen Muqaawamada. Teeda kale Muqaawamadu waa iney iska ilaashaan wax kasta oo u keeni kara in guushu daahdo. Arrimaha guushu ku daahdo wey yaqaannaan. Marka Rabbiga Caalamku wuu imtixaamaa dadka ee hala samro. Marka qof kasta waa ogyahay garabka adag ee waa innaga waxa guusha iska hortaagan.
W.Q C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Warkadalka.com






